onsdag 1 juni 2016

Kulan indhocaashaq


                         

                       
 Liibaan habeen kasta waxa uu ku seexdaa  qorshe quruxsan oo saacado dhowr ah uu kabkabayey, hadalo kooban oo uu ka baaraan degay, tifaftiray, aftahanimo iyo kaftanna uu ku sar-gooyey. Maalinna kama maqnaado iskuulka oo subax walba waxa uu lasoo jarmaadaa qorshahaa culus. Arroortii hore markuu kaco ee uu dhowr xabboo canjeelo ahna kusoo laabo, ayuu buuggag uusan dib u eegin markii uu wax ku xarxariiqey ka danbow  jeebka danbe ku kuusaaa, isagoon dan ka lahayn jacdadka iyo hadii xaanshiyaha badh jeexmayaan. Intaa uu jidka soo hayo waxa uu ku duceystaa iney saaka ka hor timaado. Nasiib wanaag ducadaas subax walba waa laga aqbalaa, saa waqtigeeda ayuu korka ka xafidiyey oo isku soo beegaaye. Bidhaanteeda ayuu sheedda kasoo gartaa. 
Wataas iyadoo xidhan xijaabkii madoobaa ee direyska hablaha ee iskuulka u gaarka ahaa, labo habloodna dhexda ugu jirta, gacanna ku sidata afar buug, takalena ka laafyooneysa, oo xaraggo mise isla weyni kor eegeysa. Waa aroor hore oo dadka caajis baa saaran, se iyada waji nuuraya oo farxadi kasoo horeyso, ayuu subax walba kiisa daalan ee xalay oo dhan soo jeeday ka horgeeyaa. Afartooda indhood markey kulmaan ayaa  beerka loo dhaafaa, ildhibiqsiyadaas ay jaantu iskugu soo darsanto barxadda ka horeysa iskuulka albaabkiisa, maskaxdiisu malaha xawaaraha ay amintaa kooban ku shaqeyneyso awgeed dhiiga jidhkiisa ku jira oo dhan way fuuqsataa, waa feker iyo xaalad shidaal badan u baahan. Wadnahana dhugdhugtiisa banaanka ayaa laga maqli lahaa hadii sanqadhooda la aamusin lahaa bacaha iyo xaashiyaha laydhu sidato ee sida dhugmo la'aanta ah jid-caddaha loogu tuurey,  amase caleemaha iyo laamaha engegan ee dhulka firidhsanee neecawda-subaxnimo kaga shamamax-siineyso. Judhaba xubnaha hoose ayuu dareenku soo dhaafaa oo dhafoorkiisa ayaa fadad kuuskuusani oo dhidid ahi isa soo dhoobaan. Salaama calaykumta ayaa bes afkiisa dirqi kusoo dhaafta.

Naftiisii is burisey waxay ugu sheekeysaa oo qiil uga dhigtaa jabkiisa, inaanu waqtigu habbooneyn oo labadii hablood ay la socdeen, teeda kale hadii aad gooni ugu yeedhi lahayd waa la isku kiin arki lahaa. Yeelkadeede wixii la doono hala arkee, oo saad yeeli lahayd iyadoo iskuulka hortiisa uu afku idinka khaldamo, qoftu kibraaniyad ayey u eektahaye, oo ay codka dhaadheereyso. Ma fadeexad ka weyn ayaa jirta? Mayee ma jirto, taas ayaaba u daran. Gartaa bay ahayd inaad saakana qorshaha dib u dhigto, iyadoo keligeed ah ayey malaha sheekadu ku wacneyd ayuu qalbigiisa holcaya ku qaboojiyaa...

Galab danbe, maktabad ku taal magaalada albaabkeeda hore isagoo ku tiirsan oo eegaya buug uu markaa soo amaaneystey, ayuu madaxa kor u qaadey isagoo socod u holaday. Meel hoose oo uu wadnaha u maleeyey ayaa wax haq ka yidhaahdeen. Waxkasta oo agtiisa ka dhacayey waxay la noqdeen iney istaageen, shib, haa, macal garaaca wadnihiisa. Qiyaastii soddon talaabo ayey u soo jirtaa, wuxuuna moodaa inuu soo-dhoweyso ku daawanayo, indhaheeda weeweyn ee ifaya. Dhabannadeeda sidii oo laydh xaga hoose laga soo shidey dhalaalaya, xubnaha jidhkeeda inta maryaha soo riixeysa dhaqaaqooda. Talaabadeeda deggan ee quruxdeeda siyaado ku sii dartey. Waxkasta oo qurux u haystey ayuu ku masaaley. Ma balanbaalis oo ubax dharab leh ku dultaaganbaa? Ma qorax sii dhacaysa oo cirka sagal ku reebtaa? May waxaas iyo wax kastoo qurux lagu sheego way ka qurux badantahay. Haddii gabdhaha bini-aadanka xuuralcayn laga dhex xuli lahaa iyadaa ugu horreyn lahayd. Inta jeer ee ku riyoodey iney sidan oo kale uga soo hor baxdo, oo uu quruxdeeda u daawado, may, ee uu jaceylkiisa u sheegto, xisaabtooda garan maayo. Sida uu u neefsado oo kale ayey ka hamiga maalintan oo kalena u ahayd. Waa tan se maanta iyadoo farxadda wajigeeda ka muuqda haddii magaaladan qabow iyo dadkeeda aamusan loo qaybin lahaa ay wahabka ka kicin lahayd. Afar talaabo markey usoo jirtey ayuu indhaha isku qabsadey, qam. Adduun kale ayuu galay. Afartii talaabo oo kale ayey usoo jirtaa, markan se waa iyadoo maryo cad xidhan. Afar hablood oo ubax daadinayaana ay gelbinayaan. Talaabo kasta ay xagiisa usoo qaado, waxaa la socda dhoolacaddeyn iyo xishood isku dhafan. Sacab iyo mushxarad ayaa ku dhex jira kulanka indhahooda isu ooman iyo qalbiyadooda ay naxariisto buuxisey, ee rumeysan la' riyadan caawa u rumowdey. Mar waxay midhihiisii gurayaan jaceyl ay muddo soo wadeen, oo caawa halkiisii ugu sarreysey maraya, markalena waxay gudanayaan waajibaad diini ah oo saarnaa, iney wada dhistaan qoys xalaal ah. Markey soo gaadhey halkuu taagnaa, ayey gacan si yaab leh loogu sharaxey xine usoo taagtey. Qabso uu yidhiba cidlo ayuu haabtey, oo indhaha kala furay, saa waa isla gacantii oo markaas garabkiisa sii dhaaftey, oo soo dhufatey albaabkii uu dhinac taagnaa ee maktabadda.
Intuu dhoollacaddeeyey ayuu albaabkii ka dabogalay.

Mawlacii Barakaysnaa

 Magaalada Addisababa xilliga qaboobaha aad iyo aad bay u jawi macaantahay. Roob gabaxle ah ayaa ka da’a, waqtiga intiisa kalena darruuroayaa cirka buuxdhaafiya. Dhirta iyo dhismayaasha, dhirtaa badan. Waaildoogsi aan la qiyaasi karin, oo qalbigiisu ku xasilayo qof ka yimidhul dhirtii laga xaalufiyey. Laakiin jawigaa deggan waxaa sharafdiley wadooyinka oo dhiiqo iyo lin noqda marka dhibicda roobkutaabato.Hawadaas macaan ayaanu waqtiyada salaadaha ku oognaa barxad weyn ooquruurux daadsanyahay oo ku taal muqaaxi niman soomaali ah u kireysan.Casar liiqii oo maqribka la sugayo, ayaa jawigu ugu macaanaa, fadhigamawlucuna ugu wanaagsanaa. Labo wadaad oo dhallinyaro ah ayaa kukaltama oo wacdi ka akhriya inta maqribku soo gelayo. Dhegeystayaashuwaxay u badan yihiin odayaal gadh cas ah oo sida loo badanaa dhakhtariyo dhoofitaan u yimi. Haa, iyo aniga oo magaalada ku cusub.Ismaandhaaf yar oo marmar si kedis ah ku dhaca maahane wax kale ooshido ah ama su’aalo la isku taagtaagayo mawlacaas barakeysan kamajirin. Mashaqada yari waxay ahayd oo labada wadaad iskaga midahaayeen, iney u faro baxsadaan wax ka sheegga dariiqooyinka iyoawliyada ay qolada ehlu sunnuhu aamisanyihiin. Guux yar dabadeed wayiska kala degi jirtey. Odayada dariiqooyinka raacsanaana markoodawaxay labada wadaad ku xifaaleyn jireen iney kutubgaabyo yihiin, ooculuunta awliyada iyo rooxaamaha aan bayd uga bilaabneyn.  Inta badanwaxaa odayaasha looga jawaabi jirey su'aalo ku saabsan axkaamta soonkaiyo fiqhiga guud ahaan, taas oo waxtar weyn iyo aqoonkororsi u ahayddhegeystayaasha.
Fadhigaas karaameysan ee ka qabsooma mawlacaas barakaysan, isagoo saas
yahay,  ayaa ''wadaad-weyni'' yimi. Itoobiya wadaaddadu soomaalidumarkey soo gelayaan gadhka way soo qorqori jireen, surwaallona sooxidhan jireen, ee sheekhani gadhkoo xundhurta u jooga ayuu la soogalay. Khamiis cad iyo cimmaamad sucuudi ayuu had iyo jeer kulebisnaan jirey. Galabtii ugu horreysey ayuu markii salaada maqriblaga baxay ka istaagey mawlacii, oo wacdi afcarbeed uu ku furfurteybilaabey. Goor la isleeyahay qudbaddii way dhammaatey ayuu yidhiammaa-bacdu akhwaanii…In wadaad weyn goobta yimi intaas ayaa caddeyn u ahayd. Galabtii danbekursigii kutub gaabyada isagaa fadhiyey.  Wadaadka oo hadalkiisu ubadnaa afcarbeed in yar ayaa laga fahmi jirey. Ayaamo ka bacdi si yarsi yar ayaa gollihii u dareemeen in mawduucyada indhoweydba mawlacalaga akhriyaa aysan dadku wada fahmeyn amase xiisayneyn. Ixtiraamkaiyo wayneynta wadaaddada loo hayo awgeed ayaanse cidna ku dhicin inwadaadka loo sheego in la saluugsanyahay qudbadihiisa.
Wadaaddadii yaryaraa ayaa damcey iney booskoodii ku soo laabtaan.
Dagaal diimeed ayaa bilaamey, masalooyin fiqhi ahna waa la iskuqabsadey. ''Wadaadkii-waynaa'' ayaa si uu u muujiyo inuu afartamad’habba ka jawaabay ayaa galab wacdigiisii ku soo daray masaladiimawlaca kicisay. Wuxuu yidhi ‘’ ri’ kuu irmaaneyd haddey kaa bakhtido,oo aad u timaado iyadoo bakhti ah, se naasuhu dararanyihiin, caanahawaad ka lisan kartaa, oo shaah ku caddeysan kartaa’’Galabtii xigtey mawlaca dad tiro badan ayaa yimi si ay u dhegeystaandoodda wadaaddada, mayee, muranka wadaaddada. Masalooyin kale oonolosha aan xidhiidh la lahayna waa la keenay. Buuq iyo isjikraar baahadheeyey kullankii amranaa. Waanwaan dabadeed waxaa la go’aamiyey insu’aalaha Sucuudiga loo diro. Waxaana la sheegey iney hal bil qaadankarto inta jawaabta la helayo. Wacdigii laga akhrin jirey mawlacamarkaas ayaa ugu danbeysey.
Mawlacii tolow isna xaggee ku danbeeyey? Haa, halkiisii kaniisad ayaa
laga dhigay, kaniisad ka tirsan firqo malaha Itoobiya markaa kucusubayd oo aad u qaylo badan. Hadh iyo habeen muusik iyo qaylo baroorla moodo ayaa ka baxi jirtey goobtii barakeysaneyd.

Mar kasta oo aan arko dooddaha ka socda baraha bulshada oo aanbadankoodu wax madhax ah u lahayn bulshada waxaan xasuustaa qisadaas.Marar badan aqoonyahanka/wadaaddada qaarkood waxay ku xiiqsanyihiinwax aan dan badan ugu jirin shacabkan daallan ee doonaya waxbaahiyahooda dhabta ah ka jawaaba.W/Q: Maxamed Faarax

söndag 18 januari 2015

Koboca tirada Soomaalida iyo Qabyaaladda -markale-. Isbeddel dhab ah!

                
Koboca tirada bulshada adduunku xawaare ayey ku socotaa weliba sannaddihii ugu danbeeyey. Waa 7 milyaardi (bilyan). Anigu intaan noollaa ayaa labo milyaardi oo qof kusoo kordheen adduunka. Qayb ayey ka tahay soomaaliduna korodhkaas tiro, walow aan la hayn tirokoob la isku halayn karo, haseyeeshee qiyaasuhu waxay sheegayaan 15 ilaa 20milyan. 
In tirada soomaalidu si xawli ah u kordhayso waxaad ka garan kartaa Soomaaliya waxay ku jirtaa shanta dal ee ugu carruur dhalashada badan adduunka. Gabadha soomaalida ah ee qaangaadha waxaa laga filayaa iney adduunka kusoo kordhiso 6 qof.

Tirada kordheysa ee adduunku dad badan ayey welwel ku haysaa oo leh ''dhulku dad intan kasii badan ma xamili karo waxsoosaar ahaan iyo cimilo ahaan labadaba''. Innagu taasi dhib uma aragno oo waxaynu ayidsannahay in qof walba risaaqaddiisa Ilaahay u qorey, qof dheeraad iyo marti ku ah dhulkan uusan jirin.  Iimaanka ka sokow, horta waxsoosaar yuu dhib ku hayaa! dalabkii bariiska Hindiya, baasta Talyaaniga iyo caanoboodhaha Holan ayeynu kordhineynaa uun. Malahayga ta inagu haysa dhib taa ka wayni waa tu kale!?
Nin akhyaar ah oo aan saaxiibbo ku nahay Facebook ayaa soo qorey ’’ Markasta oo qof soomaali ah adduunka kusoo kordho waa qabyaaladdii oo kor u kacda’’
Qaramada midoobeyna waxay sheegtey in 70% soomaalidu da'doodu ka yartahay 30 jir. Halkaa waxaad ka garan kartaa in tarantu si dhakhso ah u kici doonto ama imikaba u socoto. Haddii aynaan da'yartaa soo koreysa iyo kuwa soo dhalanaya, oo tiradoodu tahay dhallintii ugu badneyd abid ee soomaali yeelato, aynaan qorshe iyo ku talo gal ka yeelan, waxay soo kordhinayaan khasaare, burbur hor leh iyo in qabiilladu sii bataan. Waxayna la kulmi karaan, iskuna geysan karaan dhibka haddeer ina haysta ku ka baaxad weyn, sababtoo ah haddii ay dhex yimaaddaan bulshada wasakheysan ee xiqdiqa iyo qabiilku la fogaadey iyaguna halkaas ayey kala sii miisayaan. Haddaba sow caqliga fiyoobi maaha in innagu aynu sidan isku dhaannaa iyagana ku tallo galnaa. Saas darteed waa in isbeddel lagu sameeyaa waxyaalo badan oo ina hortaagan oo aynu u haysano dhaqan lama dhaafaan ah.

-Iskuullada ayaa ah meelaha isbeddelka laga bilaabi karo.
Qaabka carruurteena aynu u korino, waxna u barno ayaa u baahan in wax badan laga beddelo. Bulsho kastaa waxbarashadeeda waxay sal iyo udub dhexaad uga dhigtaa bulshada ay rabto iney soo saarto. Innaga ta aynu ku sugannahay maanta marka loo eego, waxba ina tari mayso in carruurta lagu dhegobarjeeyo taariikhdii reer Yurub, fikradii qaloocneyd ee Charles Darwin iyo juquraafiga Jasiiradda Carabta, ta aynu u baahannahay waa in carruurta lagu ababiyo wanaagga wada noolaanshaha, midnimada/wadajirka, soomaalinimada, nabadda, xumaha qabyaaladda iyo eexaysiga.
Ardeyda in loo fasaxo dooddaha, si ay ula qabsadaan fikradahooda iney bandhigi karaan, ee aan waxuun lagu shuban. 
Anigu Intii aan iskuul dalkii ku yaal soo dhiganayey waligayo dood na looma qaban, weligayana xummaha qabyaaladda iyo wanaagga wada noolaanshaha macalinku nagalama hadlin. Haa, waligayo wax xaashiyaha buugga casharka laga bixinayo ka baxsan lagagama hadlin fasalkayaga, hal daqiiqo wax ka badanna cid aan macalinka ahaynina ma hadlin.

-Qoqobka qabiilka in la baabi'iyo.
Dad badan ayaa u haysta in qoqobka qabiilku yahay wax aan laga gudbi karin. Waa laga gudbi karaa ee ku dhac ayey u baahantahay. Qofka soomaaliga ah qabiilku waa u gabbaad uu ka galo mid kale oo soomaali ah dulmigiisa.  Qofkaasi haddii uu heli lahaa dawlad sharaftiisa iyo dhiigiisa ilaalisa inuu ka maarmi lahaa hoos galka qabiilka, ama haddii koritaanka iyo caqliga ka wax weeraraya la kobciyo wuu ka maarmi lahaa inuu soomaali kale dhiigiisa u hamuumo. Labaduba waa xal, iskuna sidkan oon kala maarmin, waana in isku si loo baadi doonnaa. 

Balan qaad buuxa uma haysano ineynu qabyaaladda iyo qoqobka qabiilka ka xoroobayno haddeynu hoggaan fiican helno. Hoggaanku xilka muddo kooban ayuu hayaa, waxase joogtada ahi waa bulshada hab dhaqankeeda iyo wada noolaashanheeda. Haddii labadaasi ay cagoadag ku taagnaan waayaan oo odey afmiishaar ahi hadal uu yidhi dhiiga kicinayo, halaagga iyo baaba'u bulshadaas waxay iskugu beddelaan sida hadhka labaddiisa gelin.

Soomaalida qurbaha joogta ee nabadgelyadooda iyo waliba calafkooda qaarkood dalalka ay ku noolyihiin ay xilkooda qabaan, miyaaney ka maarmi karin qabiilka? Haa, way ka maarmi karaan ee bulshadeena ayaan u baran in wixii hore ee ay qaban jireen iney isbeddel ku sameeyaan. Taa beddelkeedii wuxuu noqdey in qurbuhu ahaado meesha laga xawilo qabyaaladda iyadoo lacag ah iyo si kale ahba. Isbeddelku inuu qurbaha ka bilaabmaa.

Horta sideedaba ma dhici kartaa in qofku hoos galka qabiilka ka maarmo mase dhacdey? Haa, way dhici kartaa, waa se haddii geesinnimo iyo niyad isbeddel doon ah lala yimaado. Waxaana tusaale u noqon kara; Foosiya Yuusuf buugga ay aabaheed ee ka qortey “Geeddi Nololleedkii Yuusuf X. Aadan 2007” ayaa waxay ku xustey in aabaheed markii uu ka yaabey heerkulka reeraysigu mareyo in uu Ingiriiskii dhulka ka talineyay warqad u qortey kuna ogeysiiyey in uu nabadgelyadiisa u wakiishay taliska, kana kaaftoomey qabiilka. Waa tusaale qiimo leh.
Xalku waa in isbeddel dhab laga yahay falankiisa la galo. Qabyaaladda lama baabi'in karayo ilaa derbiyo waaweyn oo aynu maanta u haysano iney yihiin kuwa ugu wanaagsan aynu dumino; Odayaal dhaqameedka oo kale. Halkii bulshada la jeclaysiin lahaa nabadda iyo wada noollaansha ayaa la baray iney karaameeyaan madaxii ama horjooggayaashii qoqobka iyo kala qaybinta, magacaad doonto ugu yeedh, ugaas, suldaan, iimaam, garaad iwm. Waa waagii kacaanku talinayey oo kale oo halkii bulshada dalka iyo nabadda la jecleysiin lahaa ayaa ''aaboow siyaad'' iyo jecleysiinta madaxwaynaha lagu mashquuley.

Arrinta naxdinta lihi waxaa weeye caqliga soomaalida ee qabiilka ku shaqeeyaa wax isbeddel ah kuma dhacaan, oo waa tabtiisii markii geellayda la wadaa ahaa inuu sii xumaado mooyee. Laakiin tiradooda iyo agabka ay adeegsan karaan ayaa sii kordhaya siina horumaraya. Agabka casriga ah ee la adeegsadey waxaa ka mid ah warbaahinta. Waxaynu mareynaa reerku maalintuu dagaal gelayo in tiifiiyada laga baahiyo.
Dhulkii reeraha tirada yar isku haysan jireen maanta waxa uu dhaxeeyaa dhowr malyan. Boqol sanno dabadeena waxa uu u dhaxeyn doonnaa malaayiin. Haddii aan caqligan maanta is beddel ku dhicin, jiilka danbe dhaqan xun ayeynu u gudbin doonnaa ( sida jiilkaygan loogu soo gudbiyey oo kale), wax ayna shaqo ku lahayn sameyntooda iyo fikradeeda ayey isku xareyn doonaan.
W/Q Maxamed Faarax Khusuusi
Xigasho:
“Geeddi Nololleedkii Yuusuf X. Aadan” 2007 Foosiya Yuusuf.






torsdag 11 december 2014

B A N D H I G - B U U G G A A G


Bare sare Cabdisalaan Tungub ayaa magaalada Laascaanood kusoo bandhigey buuggaag uu qorey.

1- Buug ah xisaabaadka iyo maaliyadda. Waa buug ka hadlaya baa la yidhi Shuruucda bandhigaya caalamiga ah iyo xisaabkooda waana 600 bog.
2- Buug ka hadlaya dhaqaalaha iyo anshaxa ganacsiga oo ah, kana kooban 112 bog.
3- Buug ku saabsan cuntada iyo caafimaadka waa 100 bog.
5:Buug ku saabsan afka iyo dhaqanka, kana kooban 1000 bog. Waxaan filayaa waa buuggii ugu boggag badnaa buug afsoomaali ku qoran. Kolley anigu intaan arkey buug afsoomaali ku qoran kii ugu boggag badnaa waxa weeye, buugga Taariikhda Daraawiishta, 320 bog, uu na qoray Aw Jaamac Cumar Ciise (AHUN). Inkastoo kani u qaybsanyahay 4 qaybood.
5- Buug ku saabsan higgaada ahna 60 bog.
6- Buug ku saabsan Afsoomaaliga ahna 225 bog.
7- Buug ku saabsan Qaadka iyo dhibaatooyinkiisa.
-Waxaan ka cudur daaranayaa inaan buuggaagta magacyadooda oo sax ah haynin, ishii aan warka ka helaya ayaa magacyada sidan ugu qorneyd.
Qoraagu waxa uu qaarna gacanta ku hayaa qaarna hamiga in ka badan 11 kale oo buug, sida haddeer oo kale ayuu mar rig kasoo siin doonnaa!
Qoraa Cabdisalaan waxaa la yidhi labo cisho ka hor ayuu magaalada Laascaanood soo geliyey buuggaag kor u dhaaftey 2000 (2kun).
Jahliga ama aqoondarada inuu ka buufiyo magaalada ayuu damacsanyahay. Alle hala garab galo. Aamiin.
Intaas oo hawl ah ninka qabtey, weli website-yada magaalada kasoo warramaa masoo gelin arrimahaas farxadda leh. Websiteyada soomaalidu malaha warka inta murugada leh ayey moodeen in uu war ba yahay!!!!
Xigasho: Xogta qaarkeed EN Mawliid Isma Haradiged

fredag 5 december 2014

Midabyada Afsoomaali

Ka warran haddii aynnu ka sheekeysanno midabyada afsoomaali waxa lagu dhaho, oo aad mooddo in bulshadeenu ka aradantahay, balse afsoomaaligu hodan ka yahay!? Hoos waxaan ku xusey midabyo badan, adiguna ku kordhi inta aad garaneyso fadlan.
XG: Qaar ayaa suurto gal ah in aysan ku qorneyn halkii ay ku habboonaayeen. Waa marka laga hadlayo midabyada xoolaha.
Wa ku kaas!
M I D A B Y A D A A F S O O M A A L I
Madow
Caddaan
Casaan/Guduud
Cagaar /Doog
Huruud
Jaalle
Ciraad/Buluug
Basali
Bunni
Cawl
Casuus
Xaycad
Caddaansadaf
Bulcad
Cawiif
Cilaanmiid
M I D A B Y A D A - D A D K A
Maarriin
Yusur
Quulle
Cawiif
M I D A B Y A D A - G E E L L A
Sugul
Dayrcad
Maycad
Mayguduud
Maymadow
Goodir
Boos/Xoosh
M I D A B Y A D A - F A R D A H A
                              Caynab
Ashkir
Ashkirdhiin
Baroor                                            
Bullo
Biriir
Carwajiis
Ciiro
Galaal
Xamar
Baroorciid
Qaaje/Qajaawecad
Bood
                 Sawirkan waxaa xaquuqdiisa leh qofka ku saxeexan. Abdirahman Barre.

M I D A B Y A D A - L O' D A
Dhiin
Beeycad
Beeyguduud
Beeymadoow
Jiciir
Boor
Baraacuud
Baraashirix
Giirgiir
Waraasi
Biriir
Casuuro
Tiniinix
Barobaro
Camaajiir
ADHIGUNA waa sidaas oo kale.
Waa kuwaas iyo qaar kale oo aad adigu taqaan. 

fredag 28 november 2014

Safarkii Jaamac

Jaamac labo shandaddood oo waaweeyn ayuu kala degay gaadhigiisa. wiilkiisa Liibaan oo gaadhiga u wadey ayuu hab siiyey, haddana gacan dhiiri gelin iyo nabadgelyeyn ahna garabka ka saarey oo kula sii balamey inuu carruurta iyo reerka isagu haddeer masuul ka yahay. Gegida diyaaradaha ee Hitroow ayuu hore u galay. Saf dheer oo dadkii diyaaradda ay wada raaci lahaayeen taaganyihiin ayuu la istaagey. Taleefankiisa gacanta ayuu lasoo baxay, Facebooka oo u furnaa ayuu ku qorey ’’ Akhyaareey nabad gelyo, iisoo duceeya safar dheer ayaan galayaa: Waddankii Hooyo’’

Markiiba dhowr faallo oo duco ah ayaa losoo qorey. Xasanyare oo uu adeer u yahay ayaa kusoo qorey ’’adeer waddankii waa meel halis badane Alle ha kaa soo nabad celiyo, aamiin...’’
Xasanyare dhowaan ayuu Soomaaliya ka yimi oo qurbaha soo galay, xaaladda waddanka taakotaako ayuu ula socdaa. Saddex billood ka hor waxaa magaaladan uu Jaamac ku wajahanyahay ku dhintey nin ku baxay mid reerkooda ah. Labada is diley saaxiibo ayey ahayeen. Habeen ayey isku qabsadeen qaybinta lacag ay odey magaalada ku cusub ka khiyaameeyeen.  Xabbaddii waxaa ku gacan horeeyey habaar qabaha ay Jaamac isku reerka yihiin.

Jaamac inkastoo qurbaha uu ku raagey haddana wuu ka war qabay in dhankasta nolosha waddanku is beddeshay. Noloshu iney sagxadda taal ayuu ogaa, oo dadka iyo dugaagu mararka qaarkood isku si u nool yihiin. In la bahalloobey wuu ka war hayey oo la wada yahay geeri suge iyo geeri sababe. Utunta iyo aargoosiga joogtada ah ee ka jirta magaalada uu socdo si wacan ayuu uga warqabay.  Waxaas oo dhami se waa sababta kaliftey safarkiisan. Lix billood ka hor habeen isagoo idaacad dhegeysanaya  ayey kusoo dhacdey dhibaatada iyo nolol xumada ka jirta magaaladii uu ku dhashay. Isla habeenkii ayuu go’aansadey in uu awooddiisa wixii uu kari karo ku caawiyo magaaladiisii. Jaaliyadda inta ay isku magaalada ahaayeen ayuu abaabuley, wuxuu kasoo uruuriyey lacag  xoogey ah, isna intii soo aruurtey in leeg ayuu ku daray. Talogalku wuxuu ahaa in iskuul carruurta agoonta ah wax ku barato uu dhiso iyo in dhakhtarka magaalada oo qaybta dadka qaaxada qaba jiingadii laga furqsadey iyo burbur dhismaha ah uu dayactiro, boodhkana ka jafo.    

                       
Fikirkii lixda billood ka hor ku dhashay waa kan maanta uu diyaaradda Soomaaliya u socota u saaranyahay.
Maanta mar uu ka farxad badanyahay ma jirto. Dadkii soo dhoweynayey iyo kuwa dano kale meesha u joogeyba ayuu dhammaan gacan qaadey, maya gacan qaad bes maaha ee xabbadka ayuu wada saarey. Askartii ilaalineysey gamaahiirta dabayshu ka dhaceyso ee diyaaradu cago dhigatey xitaa xabbadka ayuu saarey.  Mid meesha taagan ayaa faro dhaadheer intuu kusoo taagey  yidhi’’ waar salaan qalallan dadku meesha uma imane, ee  gacan dufan leh nagu salaan’’ garay in shaxaad lagu bilaabey durba ’’lacag sarif ah ma hayo ee magaalada ha inoo ahaato’’

Shan iyo labaatan sanno ka hor ayaa ugu danbeysey kobtan uu lugeynayo. Iyadoo tuulo ah ayaa ugu danbeysey. Imika waa magaalo balaadhatey meel walba waxaa laga qotomiyey daar dhagax iyo dhoobo ah. Waa dhismayaal isku cayn iyo bayd go’an,  wadooyin ha sheegin. Wuxuu ku fekeray guryahan ma dad indho la’ baa dhisay, saa haddeyna indho la’ayn maxay u baneysan waayeen wado uu usoo maro gaadhi maydka ka qaada ama booyad biyo u shubta. Waxaa kale oo kusoo dhacday in wax ilbaxnimo dhextaal aysan jirin guryahaas meel walba firidhsan.
Hawshii uu yimi ayuu bilaabey badhkeed ayaa isoo idlaatey. Shan iyo toban cisho gudahood iskuulkii ayaa diyaar ku ahaa. 

Maalin ayuu dhakhtarkii oo hawshu ka socoto soo booqday. Waxay ahayd barqo milicdu kululshahay, shaqaaluhuna aad u  mashquulsanyihiin. Cabaar ayuu meeshii iyo sida hawshu u socoto indho indheeyey. Wuxuu arkey qof dumar ah oo dhowr lawdh oo dhagax dugsigooda la fadhida girgire digsi saaranyahay dabna hoosta ka hulaaqayo, midhadh koobab ah iyo talaagad shaah ahina agtaalo. Magaceedu waa Hinda. Waa qof qurux ilaahay u abuurey laakiin waqtigu rifayo. Wejigeeda farxad ayaa ka muuqata, waxaa quruxdeeda sii shiiqeysa qarxisa marka ay ilkacaddeyso ilkaheeda dabarka leh.  Iyadoo dhoollacaddeyneysa oo midhaa hadal u hollatay ayuu Jaamac kala hormaray:

Nabad ma sheegtey?

Waa nabad

‘’Oo shaqaaluhu suuqa iney u cunno doontaan uma baahna, halkan ayey ka bariiseynayaan?’’
Haa, haddey halkan la dhaafaan lacagta bariisna siisan maayaan, ee jaad baas ayey ku iibsan. ayey tidhi.

‘’Haa jaadku waddanka dhibaato weyn ayuu ku hayaa’’

‘’Haddey dhakhtarka bilaash ku dhisi lahaayeen, aniguna cunnadan yar baan bilaash uga dhigi lahaa. Dhaqtarkaasi ilaa maalintaan garaadsadey saas ayuu ahaa. Mid khayr qabbe ah ayaa lacagta lagu dhisayo bixinaya haddeer ee cidna uma dhaqaaqdeen’’ ayey tidhi. 

‘’Haa waxqabadku wuxuu ku fiicanyahay in la iskaaashado, oo iskaa wax u qabso lagu dhiso meelaha bulshada muhiim ka u ah’’ ayuu yidhi isaga oo aan u sheegin inuu yahay khayr qabaha ay shegeyso ee dhismaha lacagtiisa bixiyey.

Nin shaqaalaha kuuliga ah ka mid ah ayaa isla markaas la soo istaagey. Shaah iigu shub ayuu yidhi. Istaaga ayuu ku laacey, oo shaqadii dib ugu laabtay.
Hinda koobkii ninku ku cabay ayey ciidda afka u gelisey, oo ku maydhey.  
 
Jaamac oo la yaabey qaabka ay u maydhayso koobka ayaa waydiiyey

‘’Oo ma sidan ayaad marwalba u nadiifisaa koobkii la istimaalo ba?’’

‘’Mayee isaga waxaan uga shakiyey inuu qaaxo qabo.’’

‘’Haa, dadka xanuunkaas hayo waa kuwa waadhka haddeer loo hagaajinayo’’ ayuu yidhi

Haa, xanuunka ka sokow, qaabkiisa kale ayaa cabsi laga qaadayaa. Waa nin dheer , madow oo goobbo leh. Muuqiisa laga cabsanayo.  Intuu koobka shaaha ah cabayeyna dhowr jeer qufac meel shishe kasoo go’ay ayuu qufacay. Isaga iyo Jaamac mar indhahoodu kulmeen wuxuu Jaamac ka arkey iney daal ugu yaraan ka dhashay hurdo la’aan shan habeen ah uu hayo. 

Maalintii dhisamaha ugu danbeysey ayuu soo noqdey Jaamac, si uu kormeer ugu sameeyo hawsha gebogebada ah. Intii aanu dhismaha oo shaqadii ugu danbeysey ee xaabxaabku ka socoto u gudbin ayaa waxaa u yeedhay Hinda oo halkii maalintii hore fadhida.

‘’Waaryaa Jaamac oo maxaad iigu sheegi waydey inaad tahay khayr qabaha dhakhtarka iyo 
iskuulka noo dhisay’’ ayey isaga oo aan soo gaadhin ka horgeysey.

Isagoo dhoollacaddeynaya ayuu usoo leexday xaggeeda, isla markaas waxaa isna xaga danbe ee dhismihii shaqadu ku socotey kasoo wareegay gaadhi yar, labo nin ayaa kasoo degay, midi waa kii dheeraa iyo midkale. Kii kale ayaa hore usoo taabacay, isagoo digta kasoo rogey qori Ak ah. 
Waxaa markiiba aragtey Hinda in ninku Jaamac damacsanyahay, iskuna garaneysey iney ka kala tirsanyihiin reero utun dhex taalay. Waar ninka ha dilin ayey ku qaylise.
Saa uu dib u jaleecayba baas ayaa xabbadka kaga aruurey. Jirjir cadka ayuu u dhacay. Labo xabbo oo midh keliyaale ah ayaa isagoo rafanaya lagu sii aamusiyey.

Hinda ayaa ugu horeysey qof soo dul istaaga. Kii hagaajinaya iilka geeya Ilaahow meel iiga saar ayey ku barooraneysey markii maydka meesha laga qaadayey.  

W/Q  Maxamed Faarax Khusuusi

torsdag 27 november 2014

Nin Waalan iyo Labo Soomaali ah

Maalin dhexdaas ah aniga iyo masuul kale oo gaadhi bas ah saaran ayaa waxaa soo korey baskii wiil iyo gabadh caddaan ah. Kuraasta raarta danbe ee afarta ah oo labo ka banaaneyd ayey nala soo fadhiisteen. Hadalkii u socdey ayey sii wateen, reer magaalnimo heerkay ka gaadheen aniga oo garabka ku hayey wiilka waxa uu sheegayo ma maqleyn, gabadhana hadalkeeba daa. Hunuhuno iyo marmar dhif ah qosol yar bey ahayd dhawaqa dhegahayga kusoo dhacayey. Shanqadh kale kama jirto baskaas oo laga buuxo. 
Jawigoo saas u deggan ayaa belo dhacdey. Waxaa soo korey baskii nin da' afartaneeyo aan ku qiyaasey ah, jaakad weyn oo uskag leh xidhan, timo dhaadheer oo rutub isku marmeyba dhinac eegayaan leh. Basaasta iyo busaarada ka muuqata waxaa markiiba kugu soo dhacaysa inuu gidaar kasoo toosey, saad ka nixi haddii bini'aadamnimadu xoogaa kaaga sii hadhey. Ma dhaxantan daaraha dhexdooda dadka kaga gariirineysa ayuu banaan u seexday ayaad ku fekeri? Hadduuba taa naf kagala soo toosey waa nin adag ayaad ammaan uga dhigi. 
Odeygii hortayda meel ku beegan ayuu istaagey si toos ahna ugu beegan dhinicii labada lamaane. Qadar yar markuu taagnaa ayuu malaha nuxnuxdii labada qof yare dhibsadey, saa intuu dhinacooda soo eegay cay iyo aflagaado ku afuufay. Dadkii sii jeeday ee kuraasta hore saarnaa ayaa mar keliya dhinacaygii soo wada eegay, dan kama gelin e caydii ayuu sii watey. Wiilkii iyo gabadhii xilligu qabow ayuu ahaaye naxdin ayey la kulullaadeen. Jawigii deggenaa habaar qabe ayaa qasey, Mooyi iney ahayd meeshay ku socdeene isla markiiba buskii oo istaan istaagey ayey iridda boobeen. Kuraastii uu baneystey ka shishe oo midi noo dhaxeeyo ayuu fadhiistey habaar qabihii.
Inyar markuu baskii nala socdey oo maxaddo cusub istaagey, dhaqaaqina rabo, ayaa waxaa soo galay labo soomaali ah oo xiiqsan. Albaabka markey foodda soo geliyeen hiinraag iyo qosol wada socda ayey nagu salaameen. Midbaa isagoo qoslaya leh, wuu innaga dhaqaaqi gaadhey nijaasku, kii kalena haa anigaa soo gaadhaye, adigu raafba waad dhaqaajin waydey, waar ninyahow sigaarka iska daa....Qosol kale isku mar is raaciye. Darawalka oo ah ka ugu shisheeya baska guradiisa inta saaran iyo annagga oo raarta fadhinaa hadalka iyo hiinraagooda isku si ayaannu u maqlaynnaa. Si la mid ah markii odeyga waalani qaylinayey ayaa naloosoo fiiriyey. 

Waxay istaageen halkii odeyga waalani taagnaa markii uu yaryarka jabsanayey, haddeerna hortiisa ah oo sheeko dhaadheer ka qabsadeen, markey xiiq tirteena taleefanno wacdeen, midbaa soomaaliya la hadlayey oo hadalka si xeerarka codka lagu cabiro jabisey u hadlayey si uu malaha hadalka badaha iyo saxaaraha uga laliyo oo dhegta ugu rido qofka la hadlaya. Xariifkii yaryarka baqsadey ee ku qoonsadey nuxnuxda juuq iyo jaaq midna ma odhan, baskii markuu saa u istaageyna albaabka ayuu boobay. Markii albaabku xidhmayey jävlar.... (sheydaamiin...) ayuu sii lahaa.
Ninkii waalnaa maxaa helay oo aamusiyey intuu baska saarnaa baanu is waydiiney? Jawaab u weyney ee ma haysaa akhriste!